Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay dil qorsheysan kaasi oo faahfaahin laga helayo.

Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo qeybtaas oo uu ka arimiyo maamulka gaala raaca Puntland,waxeyna rag hubeysan dilkaasi u geysteen sarkaal ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Sarkaalka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Baaf kaasi oo ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare jirka ugu dambeyntiina halkaas ayuu ku dhintay sarkaalkaasi.

Mas’uuliyadda dilkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli mudooyinkii dambe ciidamada Mujaahidiinta ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maamulka gaala raaca Puntland.

Calamada.com

Comments are closed.