Sarkaal Ka Tirsan Xuuthiyiinta Oo Lagu Dilay Dalka Yemen.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha dalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.

Weerarka oo ahaa dhabba gal ama kamiin waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan ka tirsan gobalka Ib ee dalka Yemen.

Sarkaalkan ka tirsan Xuuhiyiinta ee lagu dilay deegaanka Dimti ee gobalka Ib ayaa lagu magacaabi jiray Abuu Sacad’waxaa sarkaalkan lala dilay labo askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkan Xuuthiga ah waxaa sheegtay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab’iyagoona qoraal kooban oo ay soo saareen ku faahfaahiyay howlgalka ay ku dileen sarkaalkaasi.

Calamada.com

Comments are closed.