Sarkaal Lagu Dilay Degmada Dharkenleey.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Dharkenleey ee magaaladan Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada,iyadoo faahfaahin laga helayo dilka.

Sarkaalkan lagu dilay degmada Dharkenley ayaa ka tisanaay qeybta Nabad sugidda dowlada Ridada,iyadoona ragga hubeysan sarkaalka ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu isla goobta ku dhinta.

Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dagaal culus ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka dowlada ay ka sameysteen xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.