Sarkaal Lagu Dilay Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho.

Weerar qorsheysan oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada Farmaajo.

Howlgalkan qorsheysan waxa uu sigaar ah kaga dhacay qeybo ka mid ah xaafada Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan,iyadoona faahfaahin laga helayo weerarkan qorsheysan ee lagu dilay sarkaalka.

Farxaan Xuseen Barqadle oo ahaa sarkaal Hal Xidigle ah ayaa lagu dilay weerarkan qorsheysan ee ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,Mas’uuliyadda howlgalkan gaarka ah ee lagu diyay sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Howlgalkan lagu dilay sarkaalkan sare waxa uu kasoo aadayaa xilli maalintii Labaad wadooyinka Muqdisho ay u xiran yihiin Murtad Farmaajo kaasi oo maalinta Barito ah u dabaal dagayo Sanad guuradiisii Kowaad ee markii loo doortay madaxweynaha dowlada Ridada.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.