Sarkaal Lagu Dilay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobalka Gedo.

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in habeenkii xalay deegaan hoostaga degmadaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan dowlada Ridada.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay deegaanka Daabley oo dhowr iyo Toban KM u jira degmada Garbahaarey,iyadoona sarkaalkan lagu dilay deegaankaasi maalmo ka hor uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sarkaalkan ku dilay goob uu ku dhuumaaleysanayay,iyadoona si nabad ah ay kusoo laabteen ciidamada Mujaahidiinta ee howlgalkaasi fuliyay.

Dilka Sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin qarax ay ka fuliyeen degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose ay ku dileen Inka Badan Toban Xubnod oo isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Ridada.

Calamada.com

Comments are closed.