Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo.

Waqooyga GaalkacyoWararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaay maamulka gaala raaca Galmudug.

Sarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaay Laanta Canshuuraha maamulka isku magacaabay Galmudug’iyadoona dilkiisa uu ka dhacay dhanka Konfureed ee magaaladaasi.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Muxamed Cali Gureey’waxeyna wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo sheegayaan in sarkaalka uu dilay Ruux ganacsado ah oo ay wada murmeen.

Ganacsadaha dilka geystay ayaa diiday inuu dhiiba lacag baad ah oo uu weydiistay sarkaalka ka tirsan maamulka Xabashida Itoobiya dhisatay ee Galmudug’ waxa uu murnka ugu dambeyntii sababay in ganacsadaha rasaas ooda kaga qaada sarkaalkii baada usoo doontay ee ugu yimid goobtiisa ganacsi.

Calamada.com

Comments are closed.