Sarkaal Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona faahfaahin laga helayo dilka sarkaalkan.

Cabdi Qaadir Isxaaq Aflow oo ahaa sarkaal ka tirsan Ashahaado la dirirka dowlada Farmaajo sidoo kalane ahaa sarkaal la shaqeynayay Sirdoonka dowlada Saliibiyadda Mareykanka ayeey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee Jirka taasi oo sababtay inuu sarkaalkan isla goobta ku geeriyooda.

Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahdiin oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo askarta dowlada Ridada iyo kuwa gaalada soo duushay.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.