Sarkaal Sare Oo Dowlada Federaalka Muqdisho Looga Dilay.

Pistol mnRag hubeysan waxey gudaha magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka sarkaalka.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Faysal waxey rag hubeysan ku dileen agagaarka isgoyska Ex-controol Afgooye ee magaalada Muqdisho’waxey ragga hubeysan sarkaalka ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda.

Faysal oo ah sarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaay Nabadsugida dowlada federaalka waxa uu sidoo kale ka tirsanaay saraakiisha ka howlgasha xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Mas’uuliyadda dilkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo u gaarsi xoogan ku heysa xubnaha dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.