Sarkaal Sare Oo Lagu Weeraray Magaalada Baydhabo.

Bartamaha-Baydhabo2Cutubyo ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa xalay weerar qorsheysan oo la doonayay in lagu khaarajiyo sarkaal sare oo ku dhaw ciidanka Itoobiya waxay ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Cunaay ee magaalada Baydhaba.

Ciidanka ayaa weerar qarax ah ku beegsaday guriga oo waqtigaas uu ku jiray sarkaalka waxaana dadka deegaanka ay soo gudbiyeen in qarax xoog leh laga maqlay gudaha guriga kadibna ay xigtay qeylo iyo buuq.

Tiro maleeshiyaad Ilaalo u ahaa sarkaalka la beegsaday ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weerarka qaraxa ah inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa gaaray sarkaalkii hadafka ahaa.

Hawl galkaas waxay saraakiisha noo sheegeen in loo qaaday in lagu dilo sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Aflaaw laakiin wixii faah faahin ah dib ayaan ka soo gudbin doonaa insha Allaah.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.