Sawiro 57 Qof Filastiiniyiin Ah Oo Ciidamada Yahuudu Ku Dileen Magaalada Ghaza.

Tobanaan qof Filasdiiniyiin ah ayaa dhintay kumanaan kalane waa dhaawacmeen kadib xasuuq ay ciidamada Yahuudda ka geysteen magaalada Ghaza.

Wararka ka imaanaya dhulalka Filasdiin ayaa xaqiijinaya in 57 qof shacab ah ay ku shahiideen deegaannada kala qeybiya Marinka Ghaza iyo dhulka Yahuuddu gummeysato.

Wasaaradda caafimaadka maamulka Filasdiin ayaa xaqiijisay in dad ka badan 2000 qof ay ku dhinteen rasaas ay ciidamada Booliska Yahuudda ku fureen kumanaan shacab ah oo iskusoo baxyo ka dhigayey Bariga Ghaza.

Shacabka la xasuuqay ayaa kasoo horjeeday safaaradda Mareykanka oo maanta loo wareejiyay magaalada Barakeysan ee Al-qudus, xasuuqa ugu daran wuxuu ka dhacay siligga kala qeybiya Ghaza iyo dhulka Yahuuddu xoogga ku maamusho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaarado drone ah ay geysanayeen duqeymo bahalnimo ah sidoo kale ciidamada shiishyahannada Yahuudda ayaa dhalinyaro Filasdiiniyiin ah madaxyada ka tooganayay.

Shaqan joojin guud ayaa looga dhawaaqay magaalada Ghaza waxayna shacabku ku ballameen in ay sii wadaan kacdoonnada ay uga careysanyihiin heysashada dhulalka Barakeysan oo ay kamid tahay Qudus.





Comments are closed.