Sawiro Ingiriiska Oo Sheegay In Askarta Ugu Badan Ee Laga Dilay Kenya Ay Sababsadeen Qaraxyada Miinooyinka.

Ciidamada cirka ee dowlada saliibiyada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay xerada Honington ee dalka Ingiriiska ayaa tababarayaal gaar ah u soo diray dalka Kenya si ay tababar ku saabsan qaababka looga hortago qaraxyada miinooyinka u siiyaan ciidamada Kuffaarta Kenya ee qeybta ka ah saliibiyiinta ku soo duulay dalka Muslimka ah ee Soomaaliya.

Kooxdan gaarka ah ayaa wadanka Kenya timid 16-kii bishan May ee aanu ku gudajirno, hal todobaad un ka dib markii dowlada Kenya ay qiratay in ugu yaraan 12 askari looga dilay qarax xoogan oo ciidamadooda lagula eegtay duleedka degmada Dhooley ee wilaayada Jubooyinka.

Saraakiisha dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in tababarada la siinayo ciidamada Military-ga Kenya uu ka jawaabayo qeylo-dhaan iyo baaqyo isdaba joog ah oo maalmahan kaga imaanayey madaxda xukuumada saliibiyada Kenya kuwaas oo dalbanayey in qalab iyo tababaro dheeraad ah oo ay kaga hortagayaan weerarada qaraxyada ee mujaahidiinta.

Tababarkan oo socon doono muddo kooban ayaa la sheegay in ciidamada Kuffaarta Kenya lagu bari doono xeelado iyo farsamooyin ka caawinaya ka hortagga weerarada qaraxyada.

“Tirada ugu badan ee dhimashada ciidamada Kenya ka soo gaarta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab waxaa sababa qaraxyada miinooyinka” sidaas waxaa yiri Gariim Royistom oo ah madaxa kooxda tababarayaasha ingiriiska ee bixinaya tababarka.

Tababarkan wuxuu ka socdaa dugsiga ciidamada Infantry ee ku yaalla Isiyeeloow, halkaas oo lagu soo dhaweeyey saraakiisha tababarayaasha ee ka socday dowlada Ingiriiska.

Sawiro lagu baahiyey website-ka ciidamada cirka Ingiriiska ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano R.A.F ayaa muujinaya ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Kenyaatiga oo si wadajir ah fulinaya xeelado ay sheegeen in looga hortagi karo qaraxyada .

Dowlada Ingiriiska waxay sheegtay in ciidamadaas ay dalka Kenya sii joogi doonaan ilaa inta laga gaarayo bilowga bisha June ee soo socota ka dibna ay ku laaban doonaa xerada Honington ee dalka Ingiriiska oo ah saldhigga ay dagan yihiin ciidamadaasi.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo horaantii bishan May qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Kenya oo marayey meel u dhow xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 15 askari laguna burburiyey gaari nooca dagaalka ah.

Madaxweynaha dowlada saliibiyada Kenya Uhuru Kenyaatta ayaa qiray in qaraxaas looga dilay ugu yaraan sagaal askari, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay la kulmeen weerarka xilli ay roodno ka sameynayeen xad-beenaadka balse warbixino ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaya ehelada askarta lagu laayey weerarka ayaa tirada dhimashada ee weerarkaas gaarsiiyey ilaa 12 askari.

Dowlada Kenya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey howlgalkaas barakeysan qeylo-dhaan iyo codsiyo isdaba joog ah u dirsatay gaalada Caalamka si ay hesho qalab iyo tababaro xirfadeysan oo looga hortagi weerarada qaraxyada ee Mujaahidiinta.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Tababarka Saraakiisha Ingiriiska.

Comments are closed.