Sawiro Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Lala Beegsaday R/wasaaraha Itoobiya Oo Sii Kororta.

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda u ah wadanka Itoobiya.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dhimashada qaraxa lala eegtay goob uu ku sugnaa R/wasaaraha Itoobiya ay gaartay afar qof halka dhaawacu sii caga cageynayo 140 qof.

Abeey Axmed oo ah R/wasaaraha badbaaday ayaa warbaahinta u sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay qaraxa oo uu ku eedeeyay dhinacyo diidan midnimada shacabka Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda Abeey Axmed ay tahay mid wanaagsan, goobta qaraxu ka dhashay ayaa lageeyay kumanaan askari.



Comments are closed.