Sawiro+Akhriso Kun Iyo Saddex Boqol Qoys Oo Raashiin Loogu Qeybiyay Gobalka Baay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa markale gurmad raashin ka qeybin ah ka fuliyay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Bay.

Kumanaan qoys ayaa ka faa’iideystay mashruucan raashin qeybinta ah, inkasta oo ay dhammaatay abaartii dadka iyo duunyada saameysay haddane waxaa jira qoysas ku xoola beelay abaartii laayaanka aheyd kuwaas oo ubaahan gacan qabash.

1300 oo qoys ayaa ka faa’iideystay Raashin qeybinta, Rashinka waxa laga Qeybiyey Deegaanka Yaaq Baraawe oo hoostaga Diinsoor oo illaa 400 Oo Qoys ayaa Rashin lasiiyey,Degmada Buulo Fulaay 300 oo Qoys ayaa wax lasiiyey,Iidaale oo Baydhabo hoostagta waxaa wax lasiiyey 250 Qoys,Raama Cadey oo Qansaxdheere Hoostagta waxa wax lasiiyey 250, Buur Eyle oo Hoostagta Buur hakaba waxa wax lasiiyey 300 oo Qoys.

Hoos Ka Daawo Sawirrada











Comments are closed.