Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka uu Turkigu soo tababaray ee loo yaqaano GORGOR ayaa lagu dilay, 12 kalena waa lagu dhaawacay dagaal xoogan oo shaley ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalkan oo ka ka dhacay tuulada Sina-dhaqo oo qiyaastii 10km u jirta deegaanka Ceeldheere ee duleedka Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal markii ciidanka DF ay isku dayeen inay dhaq-dhaqaaqyo ciidanka ka sameeyaan aagaasi.
Qaar ka mid ah askarta lagu dilay dagaalkaas ayaa maanta lagu soo bandhigay mid ka mid ah deegaanada ay maamusho Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud, waxaana fagaaraha lagu soo bandhigay meydadka askartaas warbaahinta kula hadlay waaliga Al-Shabaab ee Galgaduud Sheekh Abuu Khaalid.
Mas’uulkan ayaa sheegay inay dagaalkii shaley ka dhacay duleedka Dhuusamareeb lagu jebiyey ciidanka DF, ayna soo ganiimeysteen hub iyo saanad ciidan oo ay ka carareen askartaasi.