Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa khaarijisay maxbuus dagaal oo u dhashay dalka Uganda oo muddo ka badan hal sano ku jiray gacanta Mujaahidiinta, Iyadoona askarigan uu diray fariimo kala duwan ka hor inta aanan la toogan.
Filim kooban oo ay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib, garabka warbaahineed ee Xarakat Ash-Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu soo bandhigay fariin kooban uu jeedinayo Masassa taas oo lagu sheegay in ay tahay fariintii ugu dambeysay ee askarigan Ugandheeska ah.
Filimkan oo la daawan karo muddo sagaal daqiiqo ah wuxuu Masassa ku soo gudbinayaa laba fariimood oo kaliya, wuxuuna si cad u tilmaamayaa in dowladiisa iyo dadkiisaba ay meel cidla ah kaga dhaqaaqeen, islamarkaana uu naftiisa ku khamaaray isagoo raadinayo lacag maadama uu Soomaaliya u yimid si uu lacag kaga sameeyo.
Wax codsi ah uma gudbinin dowladiisa, Eheladiisa iyo siyaasiyiinta dalkiisa sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay in la iska dhaga tiray qeyla dhaantii iyo fariimihii uu horay u soo diray.
“Waxaan fariin kale u jeedinayaa saaxiibadeyda u diyaar garoobaya in ay soo raacaan isla safarkii aniga I keenay halkaan Soomaaliya ah.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Filimka.
Halkan Hoose Ka Daawo Filimka.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Filimka.
Calamada.com
cadow gacanta waad ku haysaan illahayna garabkiina wuu tagan yahay masha allaah cisi iyo sharaf illahay ayey usugnaaty
inta dhiman waxaan idinka codsana in aad dhameystirtaan walalyaal waxba haka reebina insha allaah umada muslimiintana cisi ayey ku noolaanayan darteen insha allaah
mansha allah alle haydinla qabto hawsha aad wadaan walaalahyga muslimka ah