Sawiro+Dhageyso+Warbixin Dhismaha Masjidka Jaamaca Magaalada Buulo-fulaay.

Masjid jaamaca buulo-fuleey oo dhismihiisu bilowday bishii saddexaad 2016-ka ayaa ku bilowday is xilqaamid ay is xilqaameen dadka ku nool deegaanka buulofulaay iyo magaalooyinka kale ee ku dhowdhow oo wax ku darsaday.

Kharashka galaya dhismaha masjidka sida uu ka dhawaajiyay Jaamac Mire oo ka mid ah gudida dhismaha masjidka waxa lagu qiyaasay lacag dhan labo boqol oo kun oo dolar($200.000) lacagtaasi oo inteeda badan laga sugayo dadka musxisiniinta ah ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa intaba.

Sida uu sheegay Gudidu masaajidka dhererkeesu waa 33 mitir ballacuna 25 miitir, waxana la qorsheeyay in dabaq laga dhigo haddii Allaah fududeeyo.

Gudida ayaa baaq dheer u dirtay dadka muslimiinta ah iyagoo ka codsaday inay kala qayb qaataan dhismaha masjidka, waxaanu gudiduballan qaaday in sawirada masjidka marba halka uu marayo internetyada ay soo galin doonaan.

Jaamac mire oo ah ninka sawirkiisa hoos aad ku aragtaan oo ka mid ah odayaasha gudida dhismaha masjidka ayaa ugu dambayn bulshada u sheegay nambarada lagala soo xiriirayo dal iyo dibadba, waxaanu ku bilaabay labo nambar oo ay leeyihiin gudida dhaqaale ururinta masjidka.

Waxayna kala yihiin

Haddii aad joogtid gudaha Soomaaliya sidaan ulasoo xiriir 0615713697 Haddii aad Joogtid dibadda sidaan usoo wac +252615713697

qaabka  xiriirka gudaha 0619663966 qaabka xiriirka dibadda +252619663966

Sidoo kale waxa uu raaciyay Nambarkiisa oo ah 0615889614 isagoo sheegay in ciddii la soo xiriirta uu u gudbin doono gudida dhaqaalaha masjidka.

Sidoo kale masjidka waxa loo sameeyay email ay kala soo xiriiraan dadka internetka haysta ee dibadaha jooga. Emailkaasi oo cinwaankiisu yahay.

[email protected]

Halkan ka dhageyso warbixinta Gudida MP3

Hoos Ka Daawo Sawirada Dhismaha Majidka oo Bilow ah.

masjidka-buulofuleey2 masjidka-buulofuleey3 masjidka-buulofuleey4 masjidka-buulofuleey5 masjidka-buulofuleey10 masjidka-buulofuleey9 masjidka-buulofuleey8 masjidka-buulofuleey7 masjidka-buulofuleey6 masjidka-buulofuleey11 masjidka-buulofuleey12 masjidka-buulofuleey13 masjidka-buulofuleey14 masjidka-buulofuleey15 masjidka-buulofuleey16 masjidka-buulofuleey17 masjidka-buulofuleey18 masjidka-buulofuleey19 masjidka-buulofuleey20 masjidka-buulofuleey21 masjidka-buulofuleey22 masjidka-buulofuleey23 masjidka-buulofuleey24 masjidka-buulofuleey27 masjidka-buulofuleey30

Calamada.com

4 Comments
  1. abufatima says

    Masjid iyo dacwaad fidinayseen daaim abid kiine
    Ictisaamna diin laga baquu doonayaa abide
    Dastuur kii Ilaah baad rabtaan kuna dadaashaane
    Ictisaamna daaquud ayuu daawo moodaaye
    Dawladii khilaafadad rabtaan kuna dadaashaane
    Intisaamna dimoqoraatibuu duub u xirayaaye
    Dadaal waxawgu jidhaan waa jihaad kamana daashaane
    Ictisaamse Duwalkii kufriyey yuu fatwaw duubi

  2. Anonymous says

    Khayr badan ilaahay idinkaga rajaynayaa waad wanaajiseen m.j.islaamkaay

  3. zarqaawi says

    Khayr badan ilaahay idinkaga rajaynayaa waad wanaajiseen m.j.islaamkaay

  4. zarqaawi says

    Waa wax lagu farxo kuna farxa qofkii iiman leh iiman laawe kufarximaayo waa astaanta lagu yaqaaney m.j islaamka wada oo dadaala wuu dhismaya inshaa allah tacaala

Comments are closed.