Weerarka oo ahaa mid saacada badan qaatay ayaa lagu xasuuqay ku dhawaad 200 oo katirsan melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan.
Degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa qiyaastii 60 KM ujirta magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaalka ku qabsaday gaadiid gaashaaman oo ciidanka Kenya lahaayeen, Keydad hub ah iyo saanado kale oo melleteri.
Dagaalkii Ceel-Cadde ayaa sumcad xumo usoo jiiday dowladda Kenya oo sheegan jirtay in ay leedahay melleteri tababar iyo qalab wanaagsan leh.
Sidoo kale guul darradii Ceel-Cadde ayaa hoos u dhigtay shacbiyadda dowladda Kenya ay ku leedahay gudaha dalkeeda, boqolaal kamid ah waalidiinta askartii lalaayay ayaa dowladooda ka waayay wax caddeyn ah iskaba daay in ay siiso lacago Magdhow ah.
illaa iyo hadda xukuumadda Kenya lagama haayo caddeymo rasmi ah oo ku aaddan tirakoob ah askartii looga dilay deegaanka Ceel-Cadde.
Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ayaa wareysi uu bixiyay ku xaqiijiyay in 200 oo askari Kenya looga dilay dagaalkii Ceel Cadde.
Hoos Ka Daawo Qaar Kamid ah Sawiradii lagasoo qaaday Dagaalkii Ceel Cadde.