Sawirro: Al Shabaab Oo Soo Bandhigtay Meydadka Askartii Lagu laayay Dagaalkii Moqokori.

Xaalad deganaan ah ayaa kajirta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo jimcihii lasoo dhaafay marti gelisay dagaallo sababay dhimashada 72 qof.

Maamulkii islaamiga ahaa ayaa dib uga shaqa bilaabay degmada kadib markii ciidamadii huwanta ahaa laga saaray, Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in xaaladda magaaladu tahay mid deggan.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Meydadka tobaneeyo askari oo lagu dilay dagaal Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Moqokori.

72 Askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka, fagaare kuyaal degmada Aadan Yabaal ee shabeelaha dhexe ayaa lagusoo bandhigay Meydadka 47 askari oo katirsanaa ciidamadii lagu gummaaday dagaalkii Moqokori.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa goobtii lagusoo bandhigayay Meydadka ayaa ku goodiyay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan maleeshiyaad dabadhilifyada Soomaalida ee ciidamada Itoobiya iyo AMISOM kusoo hoggaamiya magaalooyinka xurta ah ee shareecada islaamka lagu maamulo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Meydadka 12 askari ciidamada Itoobiya ay shalay ka daabuleen dhulka howdka ah ee kala qeybiya degmooyinka Moqokori iyo Maxaas.

Dagaalkii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee maleeshiyaadka Amxaara kalkaalka kasoo gaara dagaallada ka socda bartamaha Soomaaliya.

Sawirrada oo aad ufarabadan ayaan ka cudur daaraneynaa in qaar kamid ah sawirrada aanan soo gudbin karin sababa laxiriira iyagoo argagax leh oo aan.

Xigasho: Radio Andalus








2 Comments
  1. هكذا هو مسير كل مرتد!

  2. Anonymous says

    allaahu akbar

Comments are closed.