Sawirro: Andalus Oo Hadiyado Qaali Ah Guddoonsiisay Tartameyaal Guuleystay.

Intii lagu guda jiray dabaal degga munaasibadda Ciidul Adxaa ee sannadkan 1442 Hijri waxay Idaacadda islaamiga ah ee Andalus qabatay barnaamijyo kala duwan oo bulshada ay si wanaagsan uga faa’ideyteen.

Barnaamijyada ugu muhiimsan ee ay idaacaddu baahisay maalmihii ciidda waxaa ka mid ahaa barnaamij si qurux badan loo agaasimay oo wariyeyaasha Idaacaddu ay si toos ah uga soo tabinayeen goob lagu magacaabo beerta shareecada oo kutaal degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka.

Barnaamijkan oo loogu magac daray fagaaraha Andalus waxa uu si wayn usoo jiitay indhaha dadwaynaha waxaana barnaamijkaan hadiyado qaali ah lagu guddoonsiiyay tartamiyeyaal su’aalo lagu weydiiyay fagaaraha isla markaana si cilmiyeysan uga jawaabay.

Waxaa sidoo kale dadka hadiyadaha la guddoonsiiyay ka mid ah dad waxgal u ah bulshada isla markaana adeegyo kala duwan oo muhiim ah usoo qabtay bulshada wilaayada Jubbooyinka.

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Fagaaraha Andalus.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

2 Comments
  1. Anonymous says

    Masha.alah

  2. Dujana says

    Allahu akbar I miss darul Islam

Comments are closed.