Wararka ka imaanaya dalka Nigeria waxey sheegayaan in weerar qorsheysan uu ka dhacay gudaha dalkaaas kaasi oo lagu dilay tiro askar ah.
Jamaacada Ansaarul Muslimiin Fii Bilaadi-suudaan ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacida faraciisa Maqribul Islaam ayaa sheegatay mas’uuliyada hawlgal ka dhacay waqooyi bari ee dalka Nanjeeriya.
Hawlgalkaan ayaa ahaa mid lagu beegsaday maliishiyaat qudaacu duruq ah kuwaas oo dadka musaafiriinta ah ku dhibaateeyo wadooyinka, iyadoo mujaahidiinta ay ku guulaysteen in maliishiyaatkaas ay kala eryaan kuwana ay dilaan.
Sida lagu sheegay bayaan-ka kasoo baxay jamaacada Ansaarul Muslimiin waxaa weerarkaan lagu dilay 15 kamid ah kooxahaasi halka mujaahidiin ay gubeen 14 mooto oo ay wateen .
Weerarkaan ayaa waxuu dhacay 13-kii bishaan Jamaadu-Thani waxa uuna ka dhacay magaalada Damaari ee dhacda gobolka Kadunaa e waqooyi bari dalka Nanjeeriya.
Hawlgalkaan ayaa qayb ka noqonaya weeraro jihaadi ah oo maalmihii lasoo dhaafay jamaacada Ansaarul Muslimiin ay ka fulinaysay wadanka Nanjeeriya
Dhawaan ayee ahayd markii mujaahidiintaas ay sheegteen mas’uuliyada weerar lagu dilay inkabadan 10 askari oo katirsan maliishiyaadka xukumada ridada ah ee Abuuja.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Howlgalka Nigeria.
1,300 total views, 2 views today