Sawirro: Salaaddii Ciidda iyo Dhoolatus Ciidan oo ka Dhacay Degmada Jilib.

Degmada Jilib oo looga bartay ciid qurux badan in ay ciidaan ayaa sannadkanna soo bandhigtay ciid wanaagsan iyo dhoolatus ciidan oo wada jira.

Subaxnimadii hore ee salaadda ciidda ka hor dadku waxay ku waabariisteen ciidamo aad u diyaarsan oo wata baabuurta dagaalka oo si nidaamsan ugu qulqulaya dhanka fagaaraha ciidda lagu tukado ee loo yaqaanno fagaaraha Macallin Aadan Xaashi.

Runtii dadka farxadda ay qabaan ee ay ku ilqabowsadeen cududda Mujaahidiinta iyo jawiga quruxda badan ee ciidda ayaa dad badan khushuuc gelisay, runtiina waa wax Allaah loogu mahadiyo.

Salaaddii ciidda waxa dadwaynaha tujiyay isla markaana khudbadda ciidda u akhriyay waaliga wilaayada Jubbooyinka Sh Maxamed Abu Cabdallah. salaaddii kadibna dadwaynuhu waxay mar kale u dhaqaaqeen dhanka daawashada ciidamada Mujaahidiinta oo markaasi soo bandhigayay Gaardis iyo Anaashiid Sawaaxili iyo  Soomaali isugu jirta,  iyadoo Muhaajiriinta Kenyaatiga ahi ay aad usoo jiiteen dadwaynihii daawanayay.

Hadaba nala daawo Sawaridda:

   

1 Comment
  1. abuu muxamed says

    Masha allaah alle ayaa maha leh allow garab mujaahidiinta melkasta aya joogaan

Comments are closed.