Sawirro: Taliban Oo Idaacad Islaami Ah Ka Hirgelisay Koonfurta Dalka Afghanistan.

Koonfurta wadanka Afghanistan waxaa ka holcaya dagaallo culus oo udhaxeeya xoogaga jihaadiga ah iyo ciidamo uu Mareykanku tababaray.

Ciidamada Taliban ayaa si adag udifaacanaya magaalada caasimadda u ah gobolka Helmand oo dhowaan ay ka qabsadeen maleeshiyaadka xukuumadda.

Afhayeenka howlgallada Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in xooagagoodu ay maamulayaan magaalada Lashkarjah balse ay weeraro cagga cirka ah kala kulmayaan diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabuul.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in tobanaan ruux shacab ah ay ku dhinteen duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsaday isbitaallo iyo iskuul carruurta wax lagu baro.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in Idaacad Islaami ah loo rogay xaruntii raadiyaha iyo Telefeshinka dowladda ee Lashkarjah.

Taliban ayaa iclaamisay in ay hawada soo gashay Idaacadda Codka Shareecada oo markii ugu horraysa laga hirgeliyay gobolka Helmand 20 sanado kadib.

Idaacaddan oo codkeedu fasiix yahay ayaa laga dhageystay inta badan magaalooyinka dhaca koonfurta Afghanistan.

Comments are closed.