Sawirro: Warshaddii Sonkorta Samayn Jirtay ee Mareeray iyo Halka ay Ku Dambaysay.

Dhawaan idaacadda Andalus wariyayaal ka socda ayaa booqasho ku tagay warshaddii soo saari jirtay sonkorta ee Mareeray oo ku taalla duleedka deegaanka Hargaysa yaray ee wilaayada Jubbooyinka.

Wariyayaashu goobta waxay kula kulmeen odayaal waawayn oo ka mid ahaa raggii ka shaqayn jiray warashadda haatanse odayaal ah, waxaanay ka taariikheeyeen warshadda iyo wax soo saarkeedii, waxay sheegeen in maalin kasta ay soo saari jirtay 400 oo kiish oo sonkor ah, bishii waa 12000 oo kiish, waa sonkor aad u badan.

Haatan qalabka warashadda waxa ka muuqda in uusan wax rajo ah lahayn maadaama burbur xoogan iyo dayacaad wayn uu la kulmay, lagana yaabo in qalabka noocan ah ee culus mar hore laga horu maray aduunka oo aan loo baahnayn.

Dhagayso Barnaamijka Idaacadda Andalus ay ka diyaarisay.

Daawo sawirrada.

Comments are closed.