Shalay oo ahayd maalin Jimco ah gallinkii dambe waxa magaalada Jilib ka dhacday xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu xirayay tartankii shiishka ama liifka ee maalmihii u dambeeyay ka socday wilaayada jubbooyinka.
Gudidii soo qabanqaabisay tartanka ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka tartanka iyagoo u kala qaaday tartarnka qoriga AK47 iyo Leebka iyo Qaansada, halkaasina waxa laga sheegay ragga ku guulestay kaalmaha hore ee tartanka.
Xasan Daahir oo ka socday Beesha Marreexaan ayaa kaalinta koowaad ka galay tartanka liifka qoriga Ak47. waana ninka hadda sawirkiisa aad kor ku aragtaan.
Sheekh xasan xaashi oo ka socday beesha Muddolood ayaa kaalinta labaad galay.
Kaalinta saddexaad waxa isla galay Muumin Maxamed oo ka socday beesha Cowromale iyo suldaan Khamsa oo ka socday beesha Jareerwayne.
Dhinaca qaansada waxa kaalinta koowaad galay Cabdulle Cabdi Cigaal oo u tartamayay beesha Murursade. Kaalinta 2aad waxa galay Xuseen Xaaji cismaan oo ka socday Beesha Sheekhaal ah.
Halkan Ka Dhageyso Sida Xaflada U Dhacday.
Daawo Sawirada Xaflada.
Â
maashallah tartanka wallah wabseedka calamka.com waa idin slaamay ilaahay dartiis baan idin kujecel ahay walaalyaal anigu wabseed cashir baan kadhigastaa kitaabka akhlaaqul mujaahidiin baan kalasocdaa uu aqriiyo shiikh maxamed jimaal u waagi hore ahaa shiikhayga mar u joogay degmada farsooley baan kadhigastay kutubo waad mahadsantihiin noosogudbiya kutubo kale