Sawirro+Codad; Ka Qeyb Qaado Dhameystirka Dhismaha Masjidka Jaamaca Ee Degmada Buq’aqable.

Kulan ballaaran oo looga hadlayay halka uu marayo dhismaha masjidka Al-raxmah ee jaamaca degmada Buq aqable ee WI Hiiraan iyo baahida ku aadan in bulshada muslimka ee ku dhaqan gudaha dalka iyo caalamka ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismahiisa ayaa waxa uu ka dhacay gudaha masjidkaas.

Sheekh Yuusuf Macalim Cabdi raxmaan oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa sharaxaya fadliga uu leeyahay masjidka iyo qofkii ka qeyb qaata dhisidda masaajida

Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Llaahi Ugaas Muxamed ugaaska guud ee beesha gaaljecel oo goobta kulanka ka hadlay ayaa  ugu baaqay dadka muslimiinta iney wax ku darsadaan masjidka kana qeyb qaataan dhameystirka dhismihiisa.

Macalin Yare  mas’uulka guddiga qaabilsan dhisamaha masjidka Al-raxmah ee jaamaca degmada Buq aqable oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha masjidka uu meel xasaasi ah marayo qarashkiina uu go’ay isagoona goobta ka sheegay Akoonno iyo numbara lacagaha kusoo diri karaan qofkasta oo doonaya inuu ka qeyb qaata dhameystirka dhismaha masjidkaas.

Walaal ka qeyb qaado dhameystirka dhismaha masjidka Al-raxmah oo ah jaamaca degmada Buq’aqable ee Wilaayada Islaamiga Hiiraan.

Account Numbar; +252615600002

Salaam Bank; 30531838

Axmed Xaaji Xuseen Ugaas.

Account Numbar; +252615873404

Salaam Bank; 30461636

Maxamed Macalin Yuusuf

Halkan Ka Dhageyso Guddiga Dhismaha Masjidka Jaamaca Degmada Buq’aqable.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Dhismaha Masjidka Jaamaca Buq’aqable.

Comments are closed.