Sawirro+Dhageyso: Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Khasaara Sababay Ka Geystay Deegaanno Katirsan Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo khasaara dhaliyay lala eegtay deegaanno ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa duqeymo ka geystay degmada Ceel Cadde iyo deegaannada hoos yimaad waxaana lasoo sheegayaa khasaara soo gaaray dad shacab ah oo ubadan haween iyo carruur.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysiyo kooban oo ay la yeelatay dadka shacabka ee ku dhaawacmay duqeynta kuwaas oo la dhigay isbitaalka degmada Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Duqeymaha oo ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa Miigagga loo yaqaan oo ay adeegsanayeen melleteriga Kenya waxay beegsanayeen isku imaatinnada dadka shacabka ah.

Deegaannada Hareeri Tuur iyo Gaddoon Dhawe oo dhammaantood Gedo katirsan ayay duqeymuhu ka socdeen xalay illaa iyo maanta duhurkii balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Sidoo kale duqeymahu waxay beegsadeen wara biyoodyo iyo waddooyin ay dadka reer miyiga ah xoolahooda ugu arooriyaan ceelasha biyaha iyo dhulka daaqsinta ah.

 

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Idaacada Andalus.






Comments are closed.