Sawirro+Warbixin: Xafladda Caleemo Saarka Ugaaska Cusub ee Beesha Leysaan.

Munaasabadda caleema saarka ugaaska cusub ee beesha Leysaan oo ka dhacdey deegaanka Madiinatul kheyr oo dhacda duleedka magaalada Baydhabo waxa ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jirey salaadiin, ugaasyo , culimaa’udiin, ganacsato, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gooobta xaflada ay ka dhaceysey ayaa si aad ah loo qurxiyey iyadoo laga dareemayey agaasin xoogan iyo in dadaal balaaran lagu bixiyey xafladda, waxyaabaha dadka aad usoo jiitay waxaa ka mid ahaa qalabka dhaqanka Soomaadida lagu yaqaannay ee goobta la keenay, sidoo kale cuntooyinka wadaniga ah ee ay ka mid ahaayeen Soorta, malabka, caanaha iwm.

Beesha Leysaan ayaa intii xafalladu socotay ballan qaadey in ugaaskooda cusub ay ku wareejin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan 100 neef oo geel ah iyo gaari qooqan ah.

Sido kale malaaq Cali Afnuur malaaqii hore e beesha Leysaan ayaa isna halkaasi ka hadley isagoona balan qaadey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono malaaqa cusub ee beesha ay yeelatey

Ugaaska cusub ee beesha Leysaan ay yeelatey ugaas Cali Cadow Maxamed ayaa isna beesha u dardaarmey in dariska la dhowro dhanka jihaadkana loo jihaysto.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool Cabdullaahi Maclin Geedow ayaa gabagabadii halkaasi kelimad ka jeediyey isagoo soo dhoweeyey malaaqa cusub hadallo dardaaran ahna ujeediyey Malaaqa iyo beeshiisa

Intaasi ka dib waxaa goobta xafladda ka dhacay damaashaad iyo ciyaaro lagu muujinayey farxadda munaasbada caleema saarka ugaaska.

Halkan Ka Dhageyso Codadkii Xafladda iyo Warbixin Idaacadda Andalus ay ka diyaarisay.

Daawo sawirrada:


 

 

Comments are closed.