Sawirro+Warbixin: Gudiga Dhismaha Masjidka Bu’aale Oo Codsaday In lala dhamaystiro Masjidka.

Magaalada Bu’aale ee xarunta gobalka Jubada dhexe ee wilaayada islaamiga ee jubbooyinka waxa wali ka socda dhismaha masjidka jaamaca ah ee magaaladaas oo hadda maraya qeybihii ugu dambeeyay balse u baahan dhaqaalihii howshaas lagu dhaqaajin laha.

Masjidkan ayaa ka kooban labo dabaq iyo kii sadexaad oo la diyaariyay, waxaana dhismihiisa dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay bulsho weynta ku dhaqan degmada Bu’aale iyo deegaanada hoos yimaadda, wallow aysan ka marnayn muslimiinta kheyrka jecel ee ku dhaqan gudo iyo dibad intabada.

Baaxada masjidkan uu ku fadhiyo iyo qaab dhismeedkiisa quruxda badan ayaa keentay in loo baahdo dhaqaale sadex jibaar ka badan inta markii hore loo qorsheeyay, waxaana dhismaha masjidka ee hadda socda noo sharaxaya Engneer cabdi cismaan sheikh maxamed oo ah Engneerka gacanta ku haya dhismaha masjidka jaamaca ee magaalada Bu’aale.

Dhaygayso Waraygsiga Engineerka.

Guddiga dhismaha masjidkan ayaa sheegay in dhismaha uu socday muddo lix bilood ah, ayna ku baxday lacag ku dhow sadex boqol oo kun oo dollar islamarkaana wali aysan shaqadiisa soo idlaaniin, iyagoo muslimiinta kheyrka jecel ka codsaday inay kala qeyb qaataan yagleelidiisa.

Dhagayso Warbixinta Gudida Masjidka

Ugu dambeeyn gudiga ayaa shaaciyay meelaha uu u soo marin karo qof kasta oo doonaya inuu ka qeyb qaato dhismaha masjidka .

Nambarka gudida 0617925555 

Account nambarka 30924384

Daawo Sawirada Masjidka.

Comments are closed.