Sayid Cali Xuseen Oo Lagu Dilay Degmada Hodan.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe degmada Hodon ku dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka DF-ka.

Wararka ka imaanaya isgoyska Albarako ayaa xaqiijinaya in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Nabadoon Sayid Cali Xuseen oo kamid ahaa odayaashii magaalada Cadaado uga qeyb galay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee dhanka maamulka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale oday dhaqameed loogu dilay degmada Waaberi, dilalka ka dhanka ah odayaashii Baarlamaanka DF-ka soo xulay tiro malahan waxaana muuqata in ay dayacday dowladda Federaalka.

Xigasho Somalimemo.net

Calamada.com

Comments are closed.