Shabaabul Mujaahidiin Oo Dagaal Kula Wareegay Xabsiga Ugu Weyn Boosaaso.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey xalay abaarihii shantii saac weerar culus ku qaadeen xabsiga ugu weyn magaalada Boosaaso oo ah xabsi si xad dhaaf ah loogu dhibaateyo laguna tacdiibiyo dadka Muslimiinta.

Ciidamada Mujaahidiinu dhowr jiha ayey ka weerareen xabsiga waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus, Ugu dambeyntiina waxey si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta xabsiga ugu weyn magaalada Boosaaso.

Ciidamada Mujaahidiintu markii la wareegeen gacan ku heynta xabsiga waxey gudaha xasbiga ugu tageen Maxaabiis fara badan oo isugu jira rag iyo haweyn waxeyna Mujaahidiintu xabsigaas ka sii daayeen guud ahaan maxaabiiistii xabsiga ku xirneed oo ay tiradoodu tahay Afar boqol ruux oo isugu jira Mujaahidiin iyo shacab.

Dadka shacabka ah ee xabsiga laga sii daayay ayaa aaday xaafadahooda iyadoona raggii Mujaahidiinta ee xabsiga ku jirayna ay horay usii raaceen ciidamada Mujaahidiinta ee dagaalka kula wareegay gacan ku heynta xabsiga ugu weyn magaalada Boosaaso.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey gudaha xabsiga ku gubeen labo gaari oo ciidanka maamulka Ashahado la dirirka isku magacaabay Puntland gudaha xabsiga kaga carareen.

 

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

2 Comments
  1. Anonymous says

    Waleee sey tareeso isku dhaaftey

  2. Ibrahim mukhtaar says

    Alaahu akbar

Comments are closed.