Shabaabul Mujaahidiin Oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Mareykanku Leeyahay.

Duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxaa kusoo dhacday diyaarad noocyada wax basaasta ah taasi oo ay leedahay dowlada Saliibiyadda Mareykanka.

Diyaaradan Dron-ka ah gaar ahaan kuwa Basaasta ayaa kusoo dhacday deegaanka Beerxaani oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan deegaanka Beerxaani ee Wilaayada Jubbooyinka ayaa gacanta ku dhigay diyaarada dowlada Saliibiyadda Mareykanka kaga soo dhacday deegaankaasi.

Diyaaraddan kusoo dhacday deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer sidaan oo kale diyaarado ay leedahay dowlada Mareykanka ugu soo dhaceen qeybo ka mid ah Wilaayaatka dalka Somalia.

Calamada.com

Comments are closed.