Shabaabul Mujaahidiin Oo Gowracay Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka.

mujaahidiinta-alshabaab-sayfWararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo lagu dilay askar ka tirsan dowlada Ridada federaalka uu ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow oo ka wada tirsan gobalka Bakool.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada oo si dhuumaaleysi ah uga baxay degmada Xudur islamarkaana doonayay iney gaaraan degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sedaxda askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka gacanta lagu dhigay kadibna ay gowraceen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan lagu dilay dudumaale ay maalmo ka hor falal isugu jira dilal iyo dhac ugeysteen dad shacab ah.

Dad ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay in maleeshiyaadka Amxaara kalkaalka ah ay isaga firxanayaan magaalada Xudur oo ay kula go’doonsanyihiin guutooyin katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Calamada.com

1 Comment
  1. abuu sakariya says

    alaahu akbar

Comments are closed.