Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen deegaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 35-km u jira magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii muddo uu socday kadib ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof-gaduud Buurey.
Sidoo kale wararka laga helayo deegaankaasi waxey sheegayaan in gudaha iyo banaanka deegaanka lagu arkay meydad daadsan oo ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Ciidamada Muslimiinta ayaa sidoo kale la xaqiijiyay iney gacanta ku dhigeen saanad ciidan o0 kala duwan’waxeyna Raayada Towxiidka ka taageen saldhiga deegaankaasi.
La wareegida Mujaahidiinta Alshabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof-gaduud Buurey wexey kusoo aadeysaa xilli dhawaan Shabaabul Mujaahidiin dagaal kula wareegeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo isagana ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Baydhabo.
Calamada.com