Shabaabul Mujaahidiin Oo Weeraray Saldhigyo Ciidan Oo Kuyaal Koonfurta Somalia.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar si wanaagsan loo qorsheeyay ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda federaalka ay ka samaysteen deegaan dhaca duleedka magaalada kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Dagaalkan waxa uu gudaha saldhigga ciidamada dowaldda ee Baarsanguuni ku dhexmaray ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo maleeshiyaad ka tirsan dowladda federaalka halkaas oo in muddo ah uu dagaal culus ku dhexmaray xaqqa iyo baadilka.

Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal kale oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ay ka samaysteen degmada Jannaale oo ka mid ah degmooyinka uu shisheeyuhu xoogga kaga sugan yahay wilaayada Sh/hoose.

Dagaalkan waxay shabaabul Mujaahidiin si gaar ah ugu beegsadeen saldhigga ciidamada dowladda ee buundada wayn ee degmada  Jannaale.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay soo wariyeen inay jiraan khasaare soo gaaray ciidamada dowladda Ridada balse lama hayo ilo rasmi ah oo qeexaya heerka uu gaarsisan yahay khasaaraha ciidamada kooxda Farmaajo soo gaaray.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.