Shabaabul Mujaahidiin Oo Weeraro Ku Ekeeyay Saldhigyo Kuyaal Koonfurta Somalia.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay weeraro xoogan ku ekeeyeen saldhigyo ciidan oo ciidamada dowladda  Kenya ay ka samaysteen deegaanno dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar dhowr jiha ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda cadowga Kenya ay ka samaysteen deegaannada kala ah Hoosingow. Taabto iyo Kulbiyow oo dhammanatood ka tirsan gobolka Jubbada hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay xaqqa iyo baadilka.

Ilo xog-ogaal ah waxay ku warameen in weeraradu ahayeen kuwa is xig-xigay isla markaana dhowr jiha laga weeraray saldhigyada ciidamada Kenyaanka deegamadaas waxaana jira khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo weeraradaas ka dhashay.

Sidoo kale waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin dagaal xooggan ku qaadeen saldhigga ciidanka Uganda ay ka samaysteen deegaanka Buurcolow oo ka mid ah deegaannada dhaca duleedka degmada Baraawe ee wilaayada Sh/hoose.

Dagaalhayannada shabaabul Mujaahidiin waxay dhowr jiha ka weerareen saldhigga ciidamada Yugaandha ee deegaanka ilaa iyo haddana lama soo warin khasaaraha nafeed iyo mid maaliyadeed ee ka dhashay dagaalka maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.