Shabaabul Mujaahidiin Oo Weeraro Toos Ah Ka Fuliyay Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho.

Ciidamada xaq u dirirka ah ee Mujaahidiinta waxay weeraro culus oo toos ah ka fuliyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday askar ka tirsan dowladda federaalka ah.

Weerarka koowaad oo ahaa weerar jidgal ah waxay Mujaahidiintu u dhigeen gaari ay la socdeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Farmaajo xilli ay ku socdaalayeen degmada Dayniile ee caasimadda Muqdisho waxaana ciidanka dowladda halkaas ku qabsaday dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay.

Kammiinkan barakaysan waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Alhudaa gaar ahaan waddada ka leexata jidka warshadaha ee aadda dhanka dalcadda Alhudaa. waxaana weerarkan dhabbogalka ah lagu dilay labo askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadka dowladda Ridada waxaa sidoo kale weerarkan lagu soo furat hal qori oo ciidanka dowladda ay kaga carareen goobta dagaalka.

Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar toos ah ku qaadeen fariisin ay maleeshiyaadka kooxda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ka samaysteen halka loo yaqaan Cali agoon oo ka tirsan xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa.

Dagaalkan waxay ciidamada Mujaahidiintu ku kala eryeen maleeshiyaadka dowladda waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyada xukuumadda Ridada sida ay baahisay Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.