Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Shariif Xassan “Magaalooyinka Waddooyin Aan Umarno Ayaan la’nahay, Dhulkiina Shabaab Ayaa Loo Daayay” Dhageyso.
  • Allposts
  • Warar

Shariif Xassan “Magaalooyinka Waddooyin Aan Umarno Ayaan la’nahay, Dhulkiina Shabaab Ayaa Loo Daayay” Dhageyso.

calamada April 17, 2017 2 min read
63

Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee wada shaqeynta wanaagsan laleh dowladda Itoobiya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay hareeraynta ay Xarakada Al Shabaab kusoo rogtay magaalooyin katirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo gacanta cadawga kujira.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo,Xudur iyo Diinsoor aan dhanka Barriga laga geli Karin waxa kaliya ee magaalooyinkaas lagu tagi karo ay tahay diyaarado.

Wuxuu carabaabay in Madaxda maamulka Baydhabo ku sugan aysan awoodin in gaadiid ay ku galaan magaalada sababa la xiriira Al Shabaab oo gacanta ku haaya waddooyinka magaalada soo gala.

Shariif Xasan ayaa isweydiiyay sababta iyagoo kumanaan maleeshiyaad ah haysta islamarkaana ay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah ay u awoodi waayeen in waddooyinka ay furtaan.

“Aniga waxaan aaminsanahay in haddii xoogga laysugu geeyo in jidadkaani xirnaan Karin laakin in Al Shabaab afarta koono isugu goosho isagoo tirayar ah, inagoo ciidamo badan ah oo caalamka iyo AMISOM nala joogaan aan Jidadka ku socan wayno oo aan diyaaradaha aaminno dhibaataan u arkaa, marka dowladda soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in dadaalka ay dadaal ku darto” ayuu yiri Shariif Xassan.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka in ay kari waysay furidda waddooyinka.

Warkan calaancalka u muuqda ee kasoo yeeray Shariif Xassan ayaa imaanaya xilli Al Shabaab ay ku guuleysatay siyaasadda go’doominta magaalooyinka gacanta Ciidanka Itoobiya kujira arrinkaas oo kala daadiyay maamulladii dabadhilifyada ahaa ugu dambeyntiina ciidanka Xabashida ku qasabtay in ay isaga baxaan dhowr magaalo sida Ceelbuur,Halgan,Tayeegloow iyo kuwa kale.

Kamaaludiin Mustafa oo ah safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa horraantii bishan April sheegay in go’doominta magaalooyinka uu ciidamadooda ku qasbay in ay isaga baxaan dhowr magaalo oo ay horay uqabsadeen.

Halkan ka dhageyso Shariif Sakiin oo quus ka muujinaya magaalooyinka go’doonsan MP3

Xigasho Somalimemo.net

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Faahfaahin Laga Helayo Qarax Lagu Dilay Askar Kenyaati Ah.
Next: Dagaal Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.