Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab Shaykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa kalimad uu jeediyey kaga hadlayey musiibadii dhawaan ku dhacday boqolaal Tahriibayaal Soomaali ah oo ku sii jeeday wadamada Yurub.
Shaykh Cali Dheere ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaskii ay ka dhasheen dadkii ku dhintay musiibadaas, Isagoo sidoo kalena ka hadlay arimo dhowr ah oo uu sheegay in ay sababtay in dhalinyarada ay ka cararaan dalalkooda islamarkaana ay ku baaba’aan badaha iyagoo tahriibayaal ah.
Wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ay tahay in dhalinyarada ay noqdeen kuwo shaqo la’aan ah oo gabi ahaanba kheyraadkoodii iyo wax soo saarkoodii loo gacan geliyey shirkado gaalo ah.
Shaykh Cali Dheere ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday in ka badan 5,000 (Shan kun) oo shaqaale ah oo dhawaan laga ceyriyey Dakada magaalada Muqdisho, islamarkaana howlahoodii lagu wareejiyey hay’ado Turkiga uu leeyahay.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Dekadihii dalka, Garoomadiisii iyo goobihii kale ee wax soo saarka loo gacan geliyey cadowga ku soo duulay wadanka, islamarkaana dhalinyarada ay noqdeen kuwo shaqo la’aan ah oo loo diiday shaqooyinkii dalkooda.
Taas badalkeedna dalka ay ku soo qul-qulayaan dadka Nasaarada ee shaqo doonka ah kuwaas oo ka soo kala jeeda wadamada Ethiopia, Uganda iyo Kenya.
Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay gobolada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed oo ay dharaar iyo habeen ku soo qulqulayaan muwaadiniin ka soo jeeda wadamada Afrikaanta oo shaqo doon ah, halka dhalinyaradii Soomaaliyeedna la sii fogeynayo.
Wuxuu ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhalinyarada ugu baaqay in ay gartaan xaqiiqda gumeysiga uu ku jiro dalkooda, islamarkaana ay fahmaan cadowgooda dhabta ah ee dagaalka kula jira noloshooda.
Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Cali Dheera.
Calamada.com
jihaadka