Sheekh Abuu Cabdalla Oo Booqday Furimaha Dagaalka Ee Duleedka Kismaayo.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay waaliga wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah ayaa booqasho rasmi ah ku tagay furimaha dagaalka ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo shisheeyaha duullaanka ah.

Ujeedka wafdiga wilaayada waxa uu ahaa kormeerro dhiiragalin iyo bogaadinta dhufeyska wayn ee ciidamada halyeeyada Mujaahidiinta wilaayadaas ay kaga aadan yihiin islaamka iyo howlgalladooda jihaadiga ah ee har iyo habeen ay ka fuliyaan deegaannada ku teedsan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga intii uu booqashada ku jiray wuxuu isku soo maray deegaanno dhowr ah oo hoos taga magaalada Kismaayo waxaana ka mid ahaa deegaannada Araare Koban iyo Sanguuni waxaana wafdiga wilaayada uu la kulmay bulshada iyo wiilashooda Mujaahidiinta ee ribaadka kaga jira jiidda hore ee lagu hor fadhiyo soo duuleyaasha saliibiyiinta.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla waaliga wilaayada islaamiga Jubbooyinka waxa uu khudbad muhiim ah ka jeediyay meel aan sidaas uga fogayn deegaanka Baarsanguuni oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland isagoo halkaas kula hadlay ciidamada geesiyaasha ah ee harsiga iyo hoyaadkaba u diiday ciidamada shisheeyaha iyo kuwa dabadhilifyada u ah.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Booqashada Waftiga Waaliga Jubbooyinka.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.