Sheekh Abuu Muscab”10 Askari Ayaan Ku Dilnay Warmaxan Iyo Nawaaxigeeda”(Maqal).

abuu-muscab-22Sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab afhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda alfurqaan ayaa ka hadlay qaraxyo iyo dagaal maanta ka dhacay qeybo kamid ah Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu sheegay in saaka weerar Culus oo ay ku dileen askar dowladda katirsan ay ku qaadeen deegaanka Warmaxan ee shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa wareysiga ku xusay in mujaahidiinta ay dagaalka kula wareegeen agab ciidan askarna ay ku dileen.

Weeraro kale oo loo adeegsaday qaraxyo lagu weeraray Gawaari gurmad u ahayd maleeshiyaadka lagu helay warmaxan ayuu soo hadal qaaday.

Wuxuu sheegayaa in  10 askari ay ku dileen howlgaladii kala duwanaa ee maanta dhacay islamarkaana ay ku gubeen gawaari dagaal.

wuxuu ugu danbeyntii fariin udiray Ciidamada Dowladda Federaalka.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Abuu Muscab.

Comments are closed.