Shiishyahannada Shabaabul Mujaahidiin Oo Toogasho Ku Dilay Askari Kenyaati Ah.

Shiishyahannada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal goor dhow ka dhacay deegaan ku teedsan xadbeenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada difaaca dowladda Kenya ee qaybta ka ah dowladaha shisheeye ee duullaanka ku jooga qaybo ka mida ah dalkeenna Somalia.

Weerarka waxa uu ka dhacay xero ciidan oo ka taal deegaanka Shangaani oo ka mid ah deegaanada dhaca soohdin beenaadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya waxaana weerarkaas lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada millatariga dowladda fadhidheedu yahay Nayroobi.

Ilo masuul ah oo laga xigtay saraakiisha ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay xaqiijiyeen in askariga ay toogashada ku dileen shiishyahananda Mujaahidiinta uu difaac kaga jiray xerada ciidamada Kenya ay ka samaysteen deegaanka Shangaani waxaana la wariyay in toogashada ka dib ay xerada soo caga dhigatay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca taas oo goobta ka qaaday maydka askariga Kenyaanka ah.

Shiishyahannada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay horay dhowr jeer howlgallo toogashooyin ah uga fuliyeen gudaha saldhigyo ciidan oo kuyaal gudaha Kenya iyo gobolka Gedo kuwaas oo madaxyada looga guray Askar kenyaan ah oo ku sugnaa gudaha xeryahooda.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.