Shil Gaari Oo Ka Dhacay Deegaanka Ceelmacaan.

Wararka laga helayo deegaanka Ceelmacaan ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deegaankaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara kala duwan.

Shilka waxa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Xamuul ah iyo gaari kale oo dad rakaab ah ay lasocdeen’iyadoona shilkan uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhaawamay ku dhawaad Shan ruux’iyadoona burbur xoogan uu soo gaaray mid ka mid ah labada gaari ee shilka galay.

Inta badan darawalada oo gaadiidka si xowli ah u wada iyo burbur xoogan oo ka jira wadooyinka ayaa sababa iney soo laablaabtaan shilalka gaari ee sababa khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.