Shilkan gaari waxa uu sacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafada Dabaqeynka ee degmada Dharkenley’iyadoona shilka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Gaari nooca raaxada ah oo xowli ku socda ayaa la xaqiijiyay inuu gudaha u galay dugsi Quraan oo ku yaala xaafada Dabaqeynka’waxa uu gaariga jiiray qaar ka mid ah ardaydii dugsigaasi.
Inta la xaqiijiyay shilka gaari waxaa ku dhintay hal canug oo ka mid ahaa ardaydii madarasada Quraanka’sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex arday.
Mucalimka Madarasada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markale ay ka warhaleen gaariga xowliga ku socda oo gudaha u soo galay madarasada iyo isagoo jiiray qaar ka mid ah ardaydii madarasada.
Dhacdadaan waxaa si aad ah uga naxay shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka ku dhaqan xaafada Dabaqeynka degmada Dharkenley oo ah xaafada uu ku yaala dugsiga Quraanka ee shilka uu ku dhacay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali