Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Dhuusa-mareeb.

dhuusa mareeb kkkkdShil gaari oo sababay khasaaraha nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaat ka tirsan maamulka Mushrikiinta ee ka arimiyo degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobalka Galgaduud waxa uu ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari dagaal oo ay la socdeen maleeshiyaatka Suufida oo maryay agagaarka deegaanka Mareer-gur ee duleedka degmada Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyay maamulka Suufida waxaa shilkaasi gaari kaga dhaawacmay 6 askari oo intooda badan dhaawacyadooda culusyihiin kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee degmada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigii la rogmaday maleeshiyaatka Suufida’iyadoona shilkan sabab looga dhigay gaariga oo si xowli ah ku socday.

Calamada.com

Comments are closed.