Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Qardho.

shil-gaariWararka ka imaanaya gobalka Bari ee dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay shil gaari uu ka dhacay duleedka degmada Qardho ee gobalka Bari.

Shilka gaari ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed’iyadoona shilka uu yimid kadib markii uu rogmaday gaari Xamuul ah oo waday Alaab kala duwan sida agabka dhismaha kaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Boosaaso iyo Qardho ee gobalka Bari.

Inta la xaqiijiyay shilka gaari waxaa ku dhintay Saddex ruux sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Lix ruux oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin kuwaasi oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca gobalada dalka Somali waxaa sabab looga dhigaa darawalada oo xawaare sare ku wada gaadiidka iyo burbur xoogan oo ka jira dhanka waddooyinka.

Calamada.com

Comments are closed.