Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Shirkadda Duulimaadka Masar Oo Xaqiijisay Iney Burburtay Diyaaradii Lawaayay.
  • Allposts
  • Warar

Shirkadda Duulimaadka Masar Oo Xaqiijisay Iney Burburtay Diyaaradii Lawaayay.

calamada May 20, 2016 2 min read
104

diyaarad MasarShirkadda duulimaadyada diyaaradaha ee dalka Masar ee loo yaqaano Egypt Air ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah daboolka uga qaaday inay bur burtay diyaaraddii laga lahaa dalkaasi ee kasoo duushay magaalada Paris,kuna socotay magaalada Qaahira, taas oo laga waayay raadaarka waxyar kadib markii ay soo gashay hawada dalka Masar.

War ay soo saartay Shirkadda oo ku socday eheladda dadkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaas la socday ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkaddu aad ugu xun tahay shilkaasi, islamarkaana ay dhibaatada iyo murugta ay la wadaageyso ehellada iyo qoysaskii ay ka tageen dadkii ku dhintay bur burka diyaaradda.

Diyaaradda ay iska laheyd Shirkadda Egypt Air oo tirsiga duulimaadkeedu ahaa MS804 ayaa waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha Sharli Digol ee duleedka magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska, iyadoona kusoo jeeday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira, balse laamaha Socdaalka ee Dalka Masar ayaa waxay sheegeen in diyaaradda oo ay saarnaayeen inkabadan Lixdan ruux si kedis ah loo waayay, waxaana wararka horudhaca ah ee soo baxay ay sheegayaan in diyuuradda ay ku dhacday badda Mediterranean-ka.

Mas’uuliyiinta Faransiiska iyo kuwa Dalka Masar ayaan meesha ka saarin in diyaaraddu ay u bur burtay natiijo ka dhalatay walxo qarxa oo dhexdeeda la saaray, inkastoo illaa iyo hadda aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda soo dhicitaanka diyaaraddaasi.

Rakaabkii la socday Diyaaradda bur burtay ayaa waxay badankood kasoo jeedeen Dalka Masar, waxaa sidoo kale saarnaa 15 ruux  oo Faransiis ah iyo toboneeyo ruux oo kale oo kasoo kala jeeday Wadamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Biljam, Suudaan, Portogal, Sacuudiga iyo dalal kale.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 13-08-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Warka Subax Ee Andalus 14-08-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib Oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

June 28, 2022
Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.