Shisheeyaha Iyo Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo La Weeraray.

dagaalka culus habeenXalay ciidanka Mujaahidiinta Jabhadda WI Sh hoose waxay dagaal culus ku qaadeen fariisimayaal murtadiinta iyo Kuffaarta ay ku leeyihiin deegaanada kala ah Lambar 50,Aalayaasir Iyo Qoryooleey.

Hadii aan ku horu marno afar saaca iyo bar xalay waxay Mujaahidiinta weerarro kala duwan oo madaafiic iyo toosba ah ku qaadeen Aalayaasir Iyo lambar 50 oo ay kala deganyihiin Kuffaarta Iyo Maleeshiyaadka.

Hugunka Madaafiicda ayaa laga maqlay meelo ka fog waxaana dad ka agdhaw halka la weeraray ay xaqiijiyeen in madaafiicda ay daba socdeen dagaallo toos ah oo ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka.

Dhanka Qoryooleyna waxay mujaahidiinta beegsadeen fariisin Kuffaarta ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi,Madaafiic culus oo uu daba socday dagaal culus ayaa lagu qaaday fariisimayaasha.

Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyay in dagaaladii xalay ahaayeen kuwa qorsheysan oo loogu tala galay in lagu naafeeyo cadowga duulaanka ku jooga Somaliya.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.