Tafaasiil Laga Helayo Qarax Lala Beegsaday Askarta Kenya.

Qarax miino4545Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa si gaar ah kaga dhacay agagaarka Tuulada Haawinaa oo hoostaga degmada Dhoobleey.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in miinada ay burburisay gaari Gaashaaman sidoo kale qaraxa waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar Kenyaati ah.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli saraakiil gaado caddaan iyo madow isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Calamada.com

Comments are closed.