Taliska Shisheeyaha Oo Ka Hadlay Askariga Ay Nolasha Ku Qabteen Shabaabul Mujaahidiin.

gaadiidka kufaarta amisom221War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Kufaarta Afrikaanta oo lagu baahiyay barta ay ku leeyihiin Twitterka  ayeey ku xaqiijiyeen inuu ka lumay askari ka tirsan ciidamada Uganda kaasi oo gacanta ay ku dhigeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Shisheeyaha ayaa sheegay in mid kamida Askartooda ay ku waysay gobolka Sh/hoose, war kooban oo kasoo baxay ayaa lagu yiri “Mid kamida ciidankeena ayaa shalay subaxii kasoo lumay saldhigga aan ku leenahay degmada Qoryooleey, illaa iyo sedax Kiilow mittir ayaan baadi goobnay”.

Sheekh Abuu Osama oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa xalay sheegay in ciidamadoodu ay howlgal gaar ah kusoo qabteen Askari Yugaandheys ah islamarkaana ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan

1 Comment
  1. Anonymous says

    Allaha yow jabi kufarta allow Muslimin ta gor ukgaad aamin aamin

Comments are closed.