Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Duruus
  • Sawirro
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Taliyaha Booliiska Puntland Oo Dhaawacay Kuxigeenkiisa.
  • Allposts
  • Warar

Taliyaha Booliiska Puntland Oo Dhaawacay Kuxigeenkiisa.

October 22, 2017

Kulan uu buuq hareeyay oo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal ahna magaalada madaxda maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhashay in Rasaas kulanka ka dhex dhacday uu ku dhaawacmo Taliye kuxigeenkii Booliiska Puntland Konreel Bile Faarax Cabdi.

Taliye ku xigeenka waxay Xabadda kaga dhacday Jilibka, waxaana rasaasta uu ku dhaawacmay riday Taliyaha Booliiska Puntland ninka lagu magacaabo C/Qaadir Shire Faarax  Ereg.

Ereg ayaa la murmay gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne, waxaana markii uu xanaaqay Taliyaha uu lasoo baxay Bastoolad uu watay, isagoona ku riday Gudoomiyaha, balse waxay haleeshay ku xigeenkiisa.

Kulankan oo looga hadlayay arimaha Amaanka kuna soo dhamaaday Fashil iyo dhiig daadasho waxaa goob joog ahaa Wasiirka Gaashandhiga maamulka Puntland, Taliyaha Booliiska, kuxigeenkiisa, madaxa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo saraakiil kale.

Arintan ayaa ah mid aad loola yaabay, waxaana aad u hadal haya shacabka magaalada Garoowe, kuwaas oo iswaydiinaya sababta ay ku dhacday in madaxdii ugu sarreysay ee Amaanka ka shaqeynayay ay iyaga dhexdooda is rasaaseeyaan.

Is rasaaseynta waxaa marar badan lagu yaqaanay Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo u abaabulan qaab malleeshiyaad beeleed ah, waxaana hadda kusoo biiray madaxda sare, iyadoona loo aaneynayo arintan maandooriyaha sida xad dhaafka ah ay u isticmaalaan Saraakiisha iyo ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada Shisheeyaha hoos yimaada.

Continue Reading

Previous: Qarax Ka Dhacay Degmada Bardaale Ee Gobalka Baay.
Next: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -17-03-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -17-03-1445-Hijri.

October 2, 2023
Askar Murtadiin Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Warar

Askar Murtadiin Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Sh/dhexe.

October 2, 2023
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-03-1445-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-03-1445-Hijri.

October 1, 2023

Sawirro

Daawo+Dhagayso: Xafladda Caleema-saarka Nabaddoonka Baada-cadde Ee Banaadir.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Xafladda Caleema-saarka Nabaddoonka Baada-cadde Ee Banaadir.

September 30, 2023
Sawirro+Warbixin: Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Weerar Cagmarin Ah Ka Fuliyay Mali.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Mujaahidiinta Al-qaacidda Oo Weerar Cagmarin Ah Ka Fuliyay Mali.

September 30, 2023
Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Haweenka Jilib Oo Agabyo Muhiim Ah Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 23, 2023
Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Hor Leh Iyo Maydadka Xabashida Oo Daadsan Duleedka Rabdhuure.

September 21, 2023
Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Halaaggii Xabashida Itoobiya Ku Qabsaday Duleedka Rabdhuure.

September 18, 2023
Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xasuuqii Ciidanka Danab Loogu Gaystay Deegaanka Ceel-lahelay.

September 16, 2023
Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso Haweenka Buqaqable Oo Hadiyado Ku Wareejiyay Mujaahidiinta.

September 13, 2023
Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Codad: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Rayid Ah Ku Duqeeyay Ceel-cadde Iyo Saakow.

September 13, 2023
Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Inka Badan 2500 Oo Ku Dhimatay Fatahaad Ku Dhufatay Liibiya.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaraxii Xildhibaannada Lagu Dilay Ee Ka Dhacay Ceel-garas.

September 12, 2023
Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Weerarkii Cagmarinta Ahaa Ee Awdheegle.

September 10, 2023
Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyaadkii Cagta Lagu Mariyay Nuur-dugle.

September 8, 2023
Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawiirada Iyo Muuqaalka Xasuuqii Uu Maraykanku Ka Gaystay Ood-weyn.

September 7, 2023
Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Difaaca Shareecada Ee Murusade Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galhareeri.

September 6, 2023
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyaadkii Lagu Dilay Weerarkii Daaru-nicma.

September 5, 2023
Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Diyaaradaha Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Saakow.

September 4, 2023
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.